Ninka Soomaaliga ah ee dibqallooca loogu magac daray

Hadii dookhaagu ahaan lahaa in lagugu magac daro xasharaadka, waxaa laga yaabaa in doorashadada kowaad aysan ahaan lahayn dibaqalooca, laakiin Axmed Ibraahim Cawaale wuxuu aaminsan yahay xaruntiisa Cawaale Dibaqallooc ay dhiiri galin u noqon doonto soo saarista saynisyahano Soomaaliyeed.

Saynis-yahankan 66 sano jirka ah ee ka soo jeeda Somaliland ayaa abaalmarino ku helay cilmi baarisyo uu ku sameeyey noocyada dibqallooca ee deegaanka dhowr iyo tobankii sano ee ka shaqaynayey ilaalinta deegaanka

“Inta badan noocyada laga aqoonsaday Soomaaliya iyo Somaliland eel eh sifada dhirta ama xayawaanku yeelan karaan sida kua a Yurub ama Ameerika laga helo.” ayuu yidhi isaga oo la hadlay BBC-da.

Laakiin dhallinyaro badan oo halkan jooga, waxay ku dhiirri-gelinaysaa inay ogaadaan in noocyadan loogu magacdaray Cawaale - ka dib Cawaale waa Soomaali. Waxaa si cad u soo iftiimay ku faankii uu ku lahaa sharaftan.

  • DIBAQALOOC
Qoraalka sawirka,

Dibaqalooc

Tan iyo qarnigii 19-aad, cilmi-baarayaal, u badan reer Yurub, waxay wadeen sahamin ka wadeen deegaanada Soomaalida, laakiin Cawaale wuxuu doonayaa inuu ku kordhiyo tirada sii kordhaysa ee Soomaalida ee qaadanaya cilmiga xayawaanka iyo dhirta.

Dabaqaloocan oo dhererkiisu yahay 15cm waa nooca cidiye qaloofsan ku leh afka hore ,waxaa laga helay oomane ah oo ku dhow tuulada Cagaba oo qiyaastii 50 km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa ee xarunta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Ma aha sun sida qaar ka mid ah kuwa yar yar ee la jaalka maadaama inta badan uu jiro xidhiidh aan leexleexad lahayn oo ka dhexeeya cabbirka ciddiyihii iyo awoodda ay leedahay, ayuu yidhi Mr Cawaale.

Laakin Pandinurus Cawaale waxa uu ka mid yahay 50 nooc oo dabaqalooca ah oo laga helo Somaliland, kuwaas oo qaarkood laga helo gobolada Soomaalida.

“Sannad kasta waxa soo socda daah-furyo cusub,” ayuu yidhi Mr Cawaale, oo laftiisu helay nooc cusub oo aloole ah sannadkii 2014-kii.

“Tani waxay caddaynaysaa farriinta ah in waxa Somaliland iyo gobolkuba ka imanayaa aanay ahayn mid mugdi ah, mar walba waxaynu maqalnaa warar taban, taasina waxay muujinaysaa isbeddel ku yimi sheekoyinkii hore ee laga maqli jiray sida budhcad-badeedda, xagjirnimada, abaarta iyo xasillooni-darrada.

Axmed Ibraahim Cawaale wuxuu sidoo kale safaro uu ku maray Somaliland u kuurgalay geedka dacarta cas oo nooc cusub in ka badan 100 geed

Ka dib markii la qaaday muunad oo martay cilmi-baaris dheer iyo hannaan hubin oo ay sameeyeen kaydka beerta Botanic ee London iyo Herbarium ee Bariga Afrika ee Nairobi ayaa lagu caddeeyey sannadkii hore in tani ay tahay nooc cusub. Mr Cawaale iyo kooxdiisa cilmi-baarayaasha ah waxay u bixiyeen Aloe sanguinalis ( cadarta cas).

Daraasadiisa waxaa geba gebadiisa wuxuu ahaa hamigiisa nololeed uuna si gaara u eego halkii u uku koray.

Waa kuma Cawaale?

Axmed Ibraahim Cawaale wuxuu sanadkii 1954-kii ku dhashay deegaanka Cadaadlay oo 95km bari ka xigta magaalada Hargeysa, waxa uu ku noolaa agagaarka buurta Gacan Libaax, oo ah meelaha ugu quruxda badan Somaliland.

Waxa uu ka soo jeeday qoys xoolo-dhaqato ah, balse Aabihii oo dukaan yar ku lahaa tuulada waxa uu ka bixin jiray kharashka waxbarashadiisa, ugu dambayntiina waxa uu cilmiga beeraha iyo cilmiga deegaanka ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

1995-kii waxa uu gacan ka geystay aasaaska hay’adda Candlelight, oo ujeeddadeedu tahay in la abuuro bulsho ka warqabta welwelka deegaanka.

Waxa kale oo uu qoray buugaag iyo maqaallo, oo uu ka soo muuqdo idaacadaha iyo TV-ga si uu u kordhiyo wacyiga ku saabsan arrintan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan

Post a Comment

0 Comments