Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 19 safiir waraaqaha aqoonsiga uga guddoomay Guriga Martida ee Denden.

Safiirradan ayaa kala ah: Mr. Gianlica Grippa oo Midowga Yurub ka socday, Mr. Prakash Chand oo Hindiya ka socday, Mr. Jerome Cauchard oo Faransiiska ka socday iyo Cumar Idris oo Soomaaliya ka socday.

Munaasabadda looga guddoomayay waraaqaha, ayay safiirradu ku muujiyeen sida ay uga go’na tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka dalalkooda iyo Eritrea.

Cumar Sheekh Cali Idris, ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay ku yeelato Eritrea.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Cumar ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhiista Eritrea.

Wuxuu xusay inay ka go’an tahay ka shaqeynta xiriirka walaaltinnimo ee labada dal oo leh taariikh dheer.

"Sharaf ayay ii tahay inaan noqdo safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee Eritrea taariikhda labada dal ee walaalaha ah," ayuu yiri.

Ka bood Twitter boggan
Oggolow Twitter macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Qoraalka Muuqaalka,

mmaadka Twitter boggan

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo cusboonaaday sanadihii lasoo dhaafay. Iyadoo Eritrea ay qeyb ka qaadatay tababaridda ciidamada Soomaaliya.

Kumannaan ciidan ah ayaa tababar ku qaatay Eritrea, iyadoo kooxdii ugu horreysay ay dib ugu laabteen dalka bidhii December ee sanadkii hore.

Iyadoo Soomaaliya ay sanadka soo socda isu diyaarineyso la wareegidda ammaanka marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMTIS, ayaa waxaa la filayaa in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea iyo kuwo kale ay la wareegaan amniga.

Maxaa laga yaqaannaa danjire Cumar Idris?

Cumar

XIGASHADA SAWIRKA,OMAR IDRIS

Danjire Cumar Sheekh Cali Idris ayaa aqoon durugsan u leh diblomaasiyadda, gaar ahaanna maareynta xasaradaha, wada xaajoodyada iyo dhismaha nabadda.

Wuxuu soo noqday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bishii November ee sanadkii 2010 ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar, muddadii u dhaxeysay 2011-2017.

Wuxuu shahaadada sare ee PhD ka heystaa Jaamacadda UN University for Peace (UPEACE) ee ku taalla Costa Rica.

Wuxuu sidoo kale wax kusoo bartay Jaamacadda King’s College oo London ku taalla, isagoo ka bartay nabada iyo ammaanka. Sidoo kalena wuxuu ka baxay Jaamacadda International Islamic University Malaysia oo uu ka bartay la talinta, sidoo kale Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee magaalada Kahrtuum ayuu ka soo bartay Juqraafiyadda iyo Taariikhda.

Danjire Cumar wuxuu ka tirsanaa guddiga dib u xoreynta Soomaaliya, sanadihii 2007-2009.

Wuxuu sidoo kale ka tirsanaa Maxaakiimtii Soomaaliya.

Eritrea

XIGASHADA SAWIRKA,MOFA

Qoraalka sawirka,

Danjire Idris iyo wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sultan bin Saad Al Muraikhi, bishii November 2017

Muxuu yahay xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Afwerki iyo Soomaaliya?

Eritrea

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ugu horreysay ee magaalada Muqdisho uu Isaias Afwerki isagoo madaxweyne ah booqasho rasmi ah ku tago, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen wafdi uu hoggaaminayay madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashada Afwerki ayaa kusoo beegantay xilli hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika ay isla sanadkaas dhexdiisa gaareen heshiis ay ku xoojiyaan xiriirka, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka. Xiriirka ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa aad u xoogeystay, kadib isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee raysal wasaaraha loogu doortay Aby Axmed.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii uu Afwerki noqday madaxweynaha Eritrea. Balse kuma cusba Muqdisho, oo horey ayuu u tegi jiray.

Isaias Afwerki oo madaxweyne ka noqday dalka Eritrea kadib markii ay ka go'een Itoobiya inteeda kale ayaa waxaa aad loogu xusuusto dagaalkii uu usoo galay in Eritrea ay ka madaxbanaanaato Itoobiya.

Eritrea

XIGASHADA SAWIRKA,ERTV

Qoraalka sawirka,

Sawir hore oo ah madaxweynaha dalka Eritirea, Isaias Afwerki

Afwerki ayaa sanadihii siddeetameeyadii waxaa la sheegay in uu joogi jiray Soomaaliya, xilligaasi oo uu dagaal kula jiray dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebrameskel ayaa BBC-da u sheegay in uu jiro xiriir soo jireen ah oo ka dhaxeeya madaxweyne Afwarki iyo Soomaalida.

''Haa, madaxweyne Isaias Afwerki Muqdisho ayuu aad u booqan jiray siddeetameeyadii markii uu ahaa ku xigeenka xoghaya guud ee Ururka Xoreynta Eritrea. Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed-na waxaan xilliyadaasi ka heli jirnay taageero qalbi iyo mid kaleba''. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemanne Gebremeskel .

Dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegaa in ay taageeri jirtay qaar kamid ah jabhadihii dagaalka kula jiray dowladdii Itoobiya ee xiligaasi, kadib markii labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay dirireen sanadkii 1977-dii.