Magaalada Garoowe waxaa maanta ka taagan xiisad u dhaxaysa Dowladda iyo Mucaaradka oo baryihii ugu danbeeyey ku kala aragti duwanaa hanaanka ay u dhacayso doorashada Puntland sanadka 2024-ta

Maamulka ayaa doonaya in doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ka kooban 66 mudane ay ku dhacdo mid dadku codkooda ku soo doortaan wakiiladooda, sida uu marar badan sheegay Madaxweynaha Puntland Sicid Cabdilaahi Deni.

Laakiin Afhayeenka Dallada Mucaaradka Cabdirixmaan Dhoore oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladu haysan waqti ku filan oo ay ku qabato doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafkan ayaa gaaray heer mucaaradku soo saareen jadwal doorasho oo ay xuseen inay doorasho u gaara qabsanayaan,dowladuna ku sheegtay mid qaynuunka baal marsan.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo mucaaradka balse mar kale ayuu ku celiyey in doorashadu noqonayso mid hanaanka xisbiyada lagu galayo.

Dowlada federalka ayaa dhinacyda ugu baaqday inay xalka furan ee loo baahan yahay uu kaliya yahay wadahadal iyo is qancin.

Beesha caalamka ee diblomaasiyiinteedu fadhigoodu yahay xarunta xalane ayaa kulamo la qaatay madaxda dowladda iyo daladda ay ku midaysan yihiin mucaaradka. Waxayna ka dalbadeen in kala aragti duwanaansha doorashada lagu xaliyo wada hadal.

Muxuu deni ku diidanaa Farmaajo?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Dani ayaa sanad iyo bar ka hor ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada ee sida adag ugu horjeestay hanaankii ay wax ku waday dowladii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Deni ayaa xilligaas marar kala duwan ku dhaliilay Farmaajo "inuu doonayo inuu nidaam doorasho oo aan suragal ahayn dalka galiyo". Waxaa xusid dmudan in Deni xilligaas ahaa musharraxmadaxweyne.

Khudbad dheer oo uu jeediyay ayaa uga hadlay wadahadalo gaara oo dhexmaray isaga iyo Madaxwene Farmaajo.

‘’Waxaan ku iri doorasho qof iyo cod ah lagama gaaro, doorasho dadbana waa la yaqaanaa wadadeeda.” ayuu yiri Madaxweyne Deni khudbad uu ka jeediyey xarunta PDRC.

Dhanka kale Siciid Deni ayaa ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu waqti kordhin samaysto, inkasta oo dawladdii madaxweyne Farmaajo marar kala duwan xustay inaysan doonayn muddo kororsi.

MUCAARADKA PUNTLAND

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,

Daladda Mucaaradka Puntland

Maxay mucaaradka Puntland hadda ku eedeynayaan Madaxweyne Deni?

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo ku midaysan dallad ay ugu magacdareen mucaaradka, ayaa ku eedeeynaya Madaxweyne Siciid Deni qodobo lamid ah kuwii uu ku eedeyn jiray madaxweyen farmaajo sanado Ka hor.

Inkasta oo aynaan xaqiijin karin annagu, waxay ku eedeeyeen; Muddo kororsi iyo in uu doonayo inuu qabto doorasho aan suuragal ahayn xilligaan.

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu tosho shaati isaga leh oo doorasho", ayuu yiri Xasan Shire Abgaal oo ka mida mucaaradka.

‘’Isimaddu waa inay soo dhex galaan xiisada ka taagan Puntland,Siciid Deni doorasho ma doonayo ee muddo kororsi sharci daraa ayuu wadaa mana ka yeelayno” ayuu intaas raaciyey Xasan Shire.

Ahmed Ciise Cawad oo ka mida Daladda mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in doorashada la qabanayo ay ka dhalan doonto shuruucda oo la baal maro.

‘’ Waxaan u socono waa inay dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo si nabada ku dhacda taas ayaa dan u ah Puntland” ayuu yiri Cawad.

War saxaafadeedyo dhowra oo ay soo saareen dallada mucaaradka ayaa ku dhaliilyey xukumada inaysa u socon doorashadu inay ku dhacdo waqtigeedii oo ah 8-da janaayo 2024-ta sida ka mid ahayd qoraalka warsaxaafadeedka ay mucaaradku soo saareen todobaadkii hore.

Dagaalkii 2001-dii ee Khilaafka Doorasho ee Puntland

GEN CADDE IYO CABDILAHI YUUSUF

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,

Gen Cadde Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf

Puntland ayaa sanadkii 2001-dkii gashay xaalad dagaal kadib markii khilaaf ka dhashay cidda xukumeysa maamulka. Dagaalkaas ayaa bilooyin socday kaas oo sababay tiro dhimasho, dhaawac iyo barakac xoog leh.

Cabdilaahi Yuusuf Ahmed oo xiligaas Madaxweyne ka ahaa Puntland ayaa ka horyimid qorshe odoyaal dhaqan iyo ergooyin ku doorteen Jaamac Cali Jaamac inuu noqdo Madaxweynaha maamulka.

Ciidamo uu watay Cabdilaahi Yuusuf ayaa Garoowe oo ahayd halka uu ku sugnaa Jaamac Cali Jaamac ku qaaday dagaal markii danbe meesha ka saaray Jaamac iyo maamulkiisa kaas oo ku sii fiday deegaano hor leh.

Gen Maxamuud Muuse Cadde oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee Dowladii kacaanka ayaa door ku yeeshay dagaal labaad oo ka qarxay gobolka bari kaas oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca deeganada Puntland taariikhda.

Odoyaasha dhaqanka ayaa lahaa doorkii daminta dagaalka iyo in labada dhinac la isugu keeno miiska wada hadalka.

Doorkii Nabadda ee Boqor Buurmadow ee khilaafkii Puntland

BOQOR BUURMADOW

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka mid ahaa isimadii kaalinta muuqata kulahaa soo afjarida colaada.

Bosaaso ayaa ugu danbayn Boqor Buurmado isugu keenay labada dhinaca madaxweynayaashii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo Cabdilaahi Yuusuf oo ku heshiisiiyey.

Boqor Buurmadow oo BBC-da la hadlay ayaa xusay in si gaara uu xooga u saaray in xiisadaa la damiyo laguna dhameeyo nabad.

“ Aqoon aan u lahaa Cabdilaahi Yuusuf iyo Gen Cadde Muuse ayaa igu xambaartay inaan kaalin odeynimo galo, si dagaalka loo joojiyo," ayuu yiri boqor Buurmadoow.

"Aniga Suldaan Siciid, Suldaan Cabdisalaan iyo Ugaas Yaasiin Ugaas Xasan ayaana la kaashtay aakhirkiina alle waa nagu guuleeyey nabadaas”.

Heshiiska dhinacyda ayuu sheegay inuu ku bilowday khadka taleefanka oo ku wada hadal siiyey, balse wuxuu tilmamaay inuu tudhaale ka muuqday labada ninba si colaadaas loo damiyo.

Boqor Cisman Aw Maxamuud ayaa ugu yeeray dhinacyada hada ku kala aragti duwan Siyaasada Puntland inay miiska ku dhameyaan oo wada hadlada.

“Waxaan leeyahay isimadda waa inay doorkooda qaataan oo aysan cidna raacin xaaladan adag. waa la hadlay madaxweyne Deni iyo raga mucaaradka waana ugu yeeray inay isu tanaasulaan” ayuu hadalkiisa raaciyay.